Heemaal News Network

Maxkamadda Sare Ee Puntland Oo Mudeysay Dacwada Xildhibaanadii Xasaanada Laga Qaaday

Maxkamadda Sare ee Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxaa la sheegay in ay dhawaan bilaabi doonto dhageysiga kiiska la xiriira Xildhibaannadii Xubnaha Golaha Wakiilada Puntland ay xasaanada ka qaaden.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Maxkamadda sare ay bilaabi doonto dhageysiga kiiska la xiriira sax ahaanshaha xilka xayuubintii lagu sameeyay 8 mudane oo ka tirsanaa Baarlamanka Puntland 10-bishan December oo ku beegan Khamiista soo socota ee todobaadkaan, sida lagu sheegay Warqad kasoo baxday Maxkamadda Sare ee Puntland.

Xildhibaanadii xasaanada ay Golaha Wakiilada Puntland ka qaadeen 3-dii bishaan ayaa la sheegay inay dacwad u gudbiyeen Maxkamadda Sare ee puntland, isla markaana ay dhawaan maxkamadda bilaabi doonto dhageysiga kiiskaas.

Xildhibaannada xasaanada laga qaaday qaarkood oo Warbaahinta la hadlay dhawan ayaa waxaa ay sheegen in go’ankaas uu ahaa sharci darro, isla markaana lagu difaacayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo ay mooshin ka wadeen.

Xildhibaannada xasaanada laga qaaday ee kiiska dacwadda ay gudbiyeen la dhageysan doono ayaa waxaa ay Magacyadooda kala yihiin.

Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato), Muuse Siciid Xassan (Jajabsay) , Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye) iyo Maxamuud Axmed Caalin.

Related posts

Jubaland Oo ku Dhowaaqday Inay Iska-difaacayso Dawlada Farmaajo, Weerartay-na NISA

Heemaall

Umal Oo U Jawaabay Gudoomiyaha Aadanka Masaajidyada Dhibsada Ee Galkacyo

Heemaal

Ilhaan Cumar Oo si Adag U Cambaareysay Burburinta Israel ka Bilowday Dhulka Falastiin

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More