Heemaal News Network
somali

Maxkamadeynta Dad Ajaaniib ah Oo la Shaaciyay In Laga Bilaabayo Muqdisho

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shaacisay in Sabtida 29-ka May 2021 ay bilaabaneyso dacwad ka dhan ah 6 qof oo ajnabi iyo Soomaali iskugu jira. kuwaasoo ay ku jiraan madaxda Hay’adda cilmi baarista Sahan Research ee fadhigeed yahay dalka Kenya.

Qoraalka Maxkamadda ayaa lagu sheegay in lixdan uu ku furan yahay dacwad ciqaab ah oo loo heysto inay ku kaceen faafin xogaha Amniga Qaranka iyo Basaasid siyaasadeed & mid ciidan oo ku xusan qodobadda: 199/200/201/202 /204 iyo 205 ee xeerka ciqaabta

Xubnaha Maxkamadda G/Banaadir dacwadda kusoo oogeyso iyagoo maqan ayaa kala ah sida ku xusan qoraalka:-

1- Matt Bryden oo horey u ahaa madaxa Guddigii QM ee dabagalka xanibaada hubka Somalia.

2- Rashid Abdi

3- Robinson Colin

4- Kheyre Abdrahman Rage

5- Emmanuel Deidder

6- iyo David Hopkins

Dowladda Soomaaliya ayaa hay’adda Sahan hore dalka uga mamnuucday Bishii Disembar 2018, waxaana laba sano kadib Disembar 2020 uu xeer ilaaliyaha Qaranka sheegay in la dhammeystiray dacwaddii Hay’addasi.

Related posts

Muuse Biixi Oo Qaabilay Shir-gudoonka Cusub.(Sawiro)

Heemaall

Gabadhii ku Eedeysnayd Afduubkii Nairobi Loogu Gaystay Xafsa Max’ed Oo la Siidaayey.

Heemaall

Sheekhul Baladka Borama Oo ku Baaqay In Laga Qayb-qaato Dhamaystirka Masjidka Harawa.

Heemaall