Heemaal News Network
somali

Mesut Ozil Oo Bisha Ramadaan Dhaqaale Taakuleynaya Carruurta Somaliya Iyo Syria.

Ciyaaryahanka caanka ah ee Mesut Ozil ayaa ugu deeqay € 101,000, hay’adda Bisha Cas ee Turkiga, taasoo qeyb ka ah olole gargaar oo la wado inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Warbixin ay soo saartay, Ururka Bisha Cas ee Turkiga waxay ku sheegeen in deeqda Ozil loo adeegsan doono in lagu bixiyo baakado cunto oo aad loogu baahan yahay oo loogu talagalay dadka baahan ee ku nool Turkiga, Indonesia, iyo Muslimiinta Rohingya ee ku jira xeryaha qaxootiga ee Bangladesh.

Ururka Bisha Cas ee Turkiga ayaa sheegay in sidoo kale afurinta loo fidin doono agoonta ku dhaqan gobolka Idlib ee Siiriya iyo caasimada Soomaaliya, Muqdisho, bisha barakaysan ee Ramadaan oo dhan.

Madaxweynaha Bisha Cas ee Turkiga, Dr Kerem Kinik ayaa sheegay in Ozil uu sanado badan gacan ka geysanayay caawinta kumanaan caruur ah oo dalal badan ku nool.

Related posts

Ex Wasiir Hinda Gaani Oo Afka Furatay Tilmaantay-na Cida ka Masuulka ah Guul-daradii X/Kulmiye.

Heemaall

Laba Qof Oo Caabuqa Covid 19 Ugu Geeriyooday Borama

Heemaall

Jubbaland Oo Ka Soo Hor Jeestay Ka Qay Galka Doorashaada Cusub

Heemaal