Heemaal News Network
somali

Meydadka Wiilal Dhalinyaro ah Oo Laga Helay Duleedka Gaalkacyo,(Sawiro)

Meydadka laba wiil oo dhalinyaro ah ayaa saakay laga helay duleedka koofureed ee magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo ka soo jeeday degaanada Puntland.

Taliska booliska gobolka Mudug ee Galmudug ayaa meydadka dhalinyaradaas ku wareejiyey Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland G/Sare Muumin Cabdi Shire, waxaana socda howlgallo lagu baacsanayo raggii fuliyey dilkaas oo ay fuliyeen maleeshiyaad ka soo jeeda Galmudug.

Falkan ayaa dhacay kadib markii xalay Suuqa Gaalkacyo ay ka dhacday israsaaseyn lagu dilay qof shacab ah oo ka soo jeeda Galmudug hase yeeshee Taliyaha booliska gobolka Mudug ee Puntland Muumin Cabdi ayaa saakay sheegay inay soo qabteen ragii xalay qofka shacabka ah ku dilay Suuqa Gaalkacyo, kuwaasoo u baxsaday dhanka waqooyi ee Magaalada.

Dhacdooyinkan ayaa xiisad ka abuuray labada dhinaca ee magaalada oo ay ka kala arrimiyaan maamulada Galmudug iyo Puntland oo horey u gaaray heshiisyo lagu nabadeynayo magaalada Gaalkacyo.

Related posts

Feeryahanka ku Dhawaaqay Musharxnimada Madaxwaynaha Philippinein Oo Lagu kala Jabay.

Heemaall

Alshabaab Oo Weeraartay Saldhig Ciidamada Kenya Ku Leeyihiin Gobolka Gado

Heemaal

Shiikh Shariif Oo ka Hadlay Go’aanka Golaha Shacabku ku Joojiyey Muddo Kordhinta.

Heemaall