Heemaal News Network

Meydka Gabar Yar Oo la Kufsaday Kadib-na la Gawracay Oo Laga Helay Duleedka Cabudwaaq

Allaha u naxariistee waxaa maanta duleedka degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud ayaa meydkeeda laga helay Ubax Xuufar Macalin Yaxye oo saacadihii lasoo dhaafay ka maqneyd reerkeeda.

Marxuumadda ayaa la waayey gelinkii dambe ee shalay, kadib markii ay duleedka degmadaasi ka doontay qoryo ay dab ku shidato, sida sheegeen ilo deegaanka ah, balse barqanimadii maanta ayaa meydkeeda laga helay isla duleedka magaalada Caabudwaaq.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in ka hor dilka marxuumadda loo geystay fal kufsi ah, kadibna la gowracay.

Ubax oo 17 jir aheyd ayaa ku nooleyd xaafadda Ammaano oo ka tirsan degmada Caabduwaaq ee waqooyiga gobolka Galgaduud.

Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa haatan bilaabay baaritaan ku aadan dhacdadaasi, iyaga oo sidoo kale baadi goob ugu jira raggii ka dambeeyey falkaasi arxan darrada ah.

Dhacdadan ayaa argagax weyn ku reebtay dadka deegaanka oo maanta si aad ah u hadal haya falka dilka iyo kusfiga ah ee loo geystay marxuumad Ubax Xuufar Macalin.

Ma’ahan dhacdadani mid ugub ah, iyadoo meelo kala duwan oo dalka ka mid ah ay siyaabo kala duwan uga dhaceen falal arxan darro ah, waxaana ugu dambeeyey dhacdadii Xamdi Maxamed Faarax oo dil iyo kufsi loogu geystay magaalada Muqdisho e caasimada Somalia.

Related posts

Trump Iyo Taageerayaashiisha Oo Banaanbax Ka Dhigay Magaalada Washigton DC

Heemaal

Abwaan Shaacir Oo si Adag U Duray Faysal Cali Waraabe Iyo Drs Adna Aadan Fariina Bulshada U Diray

Heemaall

Xisbiga Wadajir Oo Walaac ka Muujiyay Guddiyada loo Magacaabay Doorashada.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More