Heemaal News Network

Meydka Haweeney si Arxan Daro ah Loogu Dulay Muqdisho Oo Saaka la Arkay.

Waxaa saakay meel qashin qub oo ah kutaala xaafada Buulo Maaxay ee degmada Kaaraan lagu arkay meydka haweeneyd la sheegay in jir dil iyo dhibaatooyin kale oo xoogan loo geestay.

Dadka deegaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaana ku waramay in saakay markii lasoo toosay kadib meel geedo kuyaalaan lagu dhax arkay meydka haweeney jirkeeda ka muuqday jirdil xoogan.

Sida aan wararka ku helnay meydka haweeneyda la dilay ayaana ciidamada booliiska saldhiga degmada Kaaraan waxa ay u qaadeen xarunta Dambi baarista booliiska Soomaaliya ee CID.

Wali lama oga cida ka dambeesay falkan lagu dilay gabadhan Soomaaliyeed oon wali la shaacin xogteeda, laamaha amaanka ayaana wada baaritaano ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay falkaasi dilka ah.

Falalka isugu jira dilalka iyo kufsuiga loo geesto gabdhaha Soomaaliyeed ayaa mudooyinkan dambe kusoo badanayay gayiga Soomaaliya, waxaana falalkan argagaxa leh cabsi badan ku buureen dadka Soomaaliyeed

Related posts

Brad Raffensperger Oo Ka Hadlay Fadeexadda Codka Laga Duubay Isaga Iyo Trump

Heemaal

Gudigii Xaqiiqo Raadinta Oo Si Adag Uga Hadlay Dhibtii ka Dhacday Balad-xaawo.

Heemaall

Jubbaland Oo si Adag Uga Hadashay Dagaalkii ka Dhacay Muqdisho.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More