Heemaal News Network
Soomaaliya

Mid ka Mid ah Wasiiradii Puntland Ee Uu ku Dhacay Cavid-19 Oo Diyaarad Qaas ah Lagu Geeyay Muqdisho

Wararka ka imaanaya magaalada Garawe ee caasimada maamulka Puntland ayaa sheegaya in maanta diyaarad gaar ah magaaladaasi looga soo qaaday wasiir katirsanaa maamulka Puntland uu ku dhacay cudurka Caronavirus.

Wasiirka wasaarada Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada ismaaciil Diiriye Gamadiid ,ayaa la sheegay in uu ku dhacay cudurka Caronavirus, waxa uuna cudurkaasi oo maalmo hayay wasiirka uu waxyeelo gaarsiiyay sambabadiisa iyo habdhiska neefsashada.

Diyaarad gaar ah oo maamulka Puntland u dalbay Wasiirka ayaa usoo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in Wasiirka dalka Turkiga loo sii gudbinayo si loogu geeyo takhaatiir xaaladiisa wax ka qaban karta.

Wasiiro katirsan maamulka Puntland ayaa dhawaan la xaqiijiyay in uu ku dhacay cudurka Caronavirus, wasiiradan qaarkood ayaana la sheegay in uusan cudurka kasoo muuqan halka kuwa kalana loo dhigay xarumo caafimaad.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More