Heemaal News Network

Midawga Afrika Oo Ex Saddex Madaxweyne U Xil Saaray Xalinta Dagaalka Itoobiya

Guddoomiyaha Midowga Afrika ee hadda iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa Shakhsiyaad caan ah oo horay Madaxweyne uga soo noqday qaar ka mid ah dalalka Afrika u xil saaray in ay shaqeeyaan xal u helida Xaaladda Itoobiya.

Saddexda ruux ee loo xil saaray xaaladda gobolka Tigreeda ayaa kala ah Joaquim Chissano, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Mozambique, Ellen Johnson-Sirleaf, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Liberia iyo Kgalema Motlanthe, Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Koonfur Afrika.

“Shaqadooda ayaa ah dhexdhexaadinta dhinacyada isku haya Itoobiya’ ayaa lagu yiri war ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Bayaanka ayaa la siidaayay kadib wadahadalo dhexmaray madaxweynaha Itoobiya Sahle-Work Zewde iyo madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa.

Madaxweyne Ramaphosa wuxuu muujiyay mahadcelintiisa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Itoobiya Mudane Abiy Ahmed ee aqbalay qorshahan, wuxuuna cadeeyay wada shaqaynta dawlada Itoobiya ee fududaynta shaqada Wakiilada Gaarka ah.

Related posts

Dowladda Somaliya Oo Shaacisay Inuu soo Laba Kacleeyay Cudurka COVID-19.

Heemaall

Raysal Wasaarihii Hore Ee Somaliya Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Hargaysa

Heemaall

Jamhuuriyiintii Oo Iska Fogoyeey Qorshaha Trump Kuna Jaahwareersan Falcelintiisa

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More