Heemaal News Network
somali

Midawga Afrika Oo ka Dalbaday Itoobiya in Liiska Argagaxisada Laga Saaro TPLF.

Midawga Africa ayaa Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy ahmed ugu baaqay inuu Jabhada TPLF ka saaro liiska argagixisada ee uu Baarlamaanku ansixiyay bilo ka hor.

Midawga Africa ayaa Xukuumada Abiy ahmed ku cadaadinaya in TPLF si waan-waan iyo wada hadal lal furo si colaada loo soo afjaro.

Wadamada Reer galbeedka ayaa sidoo kale ku hawlan sidii colaada Itoobiya wadahadal loogu dhamayn lahaa, miiska wadahadalkana loo keeni lahaa dhinacyada dagaalamaya.

Xukuumada Abiy Ahmed ayaan illaa hadda ka jawaabin dalabka ka soo yeeray Midowga Afrika iyo beesha caalamka.

Woqooyiga Itoobiya waxaa ka socda dagaalo qaraar oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya iyo kuwa TPLF, kuwaasoo galaaftay dad badanm halka kumanaan kalena ay ku barakaceen.

Related posts

Garabkii Dhawaan ka Goostay Xisbiga Waddani Oo Shaaciyay Inay Urur Siyaasadeed Furanayaan.

Heemaall

R/W Rooble Oo Xariga ka Jaray Dhismayaal Lagu Kordhiyay Safaarada Somaliya Ee Qaahira (Sawirro)

Heemaall

Maamulka Gobolka Banaadir Oo ka Hor-yimid Amarkii Wasiirka Amniga Ee Dibad-baxa Ikraan.

Heemaall