Heemaal News Network

Midawga Musharaxiinta Oo Digniin kasoo Saaray Hub Loosoo wado Dawlada Fadaraalka.

Golaha Midowga musharraxiinta ayaa walaac xoogan ka muujiyey hub ay sheegeen in 16 illaa 18 -ka bishan loo soo wado Soomaalya.

War-saxaafadeed ay soo saareen ayey sidoo kale ku sheegeen in hubkaas oo ay la socoto saanad milatari ay dowlada Turkigu qorsheyneyso inay Muqdisho keento.

Waxay sheegeen iney garwaaqsan yihiin ahmiyada tababarka iyo kor u qaadista ay u leeyihiin laamaha amaanka Soomaaliya, balse ay ka walaacsan yihiin xaddiga hub ee dalka ku soo qulqulaya waqtigan Doorashada ee xasaasiga ah.

“Waxaan walaac ka qabnaa hub iyo saanad milateri oo dowladda Turkiga qorsheyneyso inay soo gaarsiiso qeybta Haramcad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, waqtigan xasaasiga ah, Goluhu wuxuu ogaaday in diyaarad Milatari oo laga leeyahay dalka Turkiga oo la yiraahdo TUAF767 lagu wado inay magaalada Muqdisho keento 1,000 G3 Machine Guns iyo 150,000 oo xabadood” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Halkan Hoos ka Akhriso:

Related posts

Itoobiya Oo U Digtay Dowladda Sudan.

Heemaall

Farmaajo Oo Billado ku Maamuusay Masuuliyiintii ka Shaqeysay Dib U soo Celinta Maamulka Hawada

Heemaall

Ciidamada Somaliya Oo Dad Horleh Usoo Qab-qabtay Saraakiishii Lagu Dilay Qaraxii Gaalkacayo.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More