Heemaal News Network
somali

Midawga Musharaxiinta Oo Digniintii U Hortaysay U Diray Rooble

Midowga murashaxiinta ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay in ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hormuud u noqdo arimaha doorashada.

War saxaafadeed ay soo saareen ayaa waxa ay ku sheegeen in wixii hadda ka dambeeya arimaha doorashada iyo amniga dalka lagula xisaabtami doono ra’iisal wasaaraha iyo xukuumaddiisa.

“Midowga Musharraxiinta wuxuu soo dhowaynayaa in RW Rooble uu si buuxda ula wareegay maamulka doorashooyinka qaranka iyo amniga dalka. Golohu wuxuu diyaar u yahay inuu si buuxda ugala shaqeeyo RW Rooble qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah, kuna dhacda waqtiga ugu dhow, wuxuuna Goluhu hoosta ka xarriiqayaa in wixii ka danbeeya 1/5/2021 mas’uuliyadda doorashooyinka iyo Amniga dalka lagula xisaabtamayo Raysalwasaare Rooble iyo xukuumaddiisa”

Related posts

Mahdi Guuleed Oo Gudoomiyay Shir Dhinaca Abaaraha Ah

Heemaall

Puntland Oo Gacanta ku Dhigtay Hub Iyo Ragii Watay

Heemaall

Borama:-Sheekh C/laahi Cali Jawhar Oo ka Jawaabay Hadal kasoo Yeeray Barkhad Jaamac Batuun.

Heemaall