Heemaal News Network

Midawga Musharaxiinta Oo Magacaabay Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Somaliya.

Golaha Musharaxiinta oo maanta kulan iskugu yimid magaalada Muqdisho ayaa magacaabay Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka dalka oo ka kooban 28 xubnood.

Afhayeenka Midowga Musharrixiinta, Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa sheegay in guddigan uu ka shaqeynayo sidii ay dalka uga dhici laheyd doorasho xor ah oo lagu wada qanacsan yahay.

Waxaa Gudoomiye u ah guddigan Maxamed Xasan Maxamed halka Mowliid Mataan loo doortay guddoomiye ku-xigeen sida uu sheegay afhayeenka golaha musharaxiinta.

Magacaabista guddigan ayaa ku soo beegantay xili maanta Guddiga doorashada heer federaal ee DF magacowday ay doorteen guddoomiye iyo ku-xigeenkiisa ka dib kulan ka dhacay hotelka Decale.

Related posts

Wasiir Shiddo “Dagaalka Gobolka Tigrayga waa Mid Gaboodfallada TPLF Looga Badbaadinayo Shacabka”.

Heemaall

Trump Oo Noqday Weeraro Uu U Qorsheeyey In Lagu Qaado Iran.

Heemaall

Banaan-bax ka Dhan ah Madaxweyne Farmaajo Oo ka Bilowday Muqdisho.(Sawirro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More