Heemaal News Network

Midawga Musharaxiinta Oo War Adag kasoo Saaray Fal Shalay ka Dhacay Muqdisho.(Akhriso)

Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si kulul u Cambaareeyay falkii shalay Askari ka tirsan Ciidanka dharcada ee dowladda uu ku rasaaseeyay dad banaanbax ka waday Magaalada Muqdisho.

Musharaxiinta oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen inay aad uga xun yihiin Ninkii ku hubeysnaa Bastoolada ee rasaasta dushooda ku riday dad u badnaa dhalinyaro oo dhigaayay banaanbax nabadeed oo looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Midowga ayaa sheegay in Askarta dowladda ay fuliyaan hadalkii Madaxda dowladda ugu hanjabayeen Musharaxiinta ee uu ugu dambeeyay hadalkii kasoo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, laguna dhiira-gelinayay gacan ka hadal ka dhan ah Musharaxiinta.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Rooble ayey Musharaxiinta ugu baaqdeen inay cudur ka bixiyaan falkii lagu rasaaseeyay gabdhihii banaanbaxa ka dhigaayay Muqdisho, isla markaana si deg deg ah sharciga loo horkeeno Ninkii falkaas geystay.

Ugu dambeyn Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa Ururada Bulshada rayidka ah, Guddiyada xuquul Insaanka ee Golle ee Baarlamaanka, Odayaasha dhaqanka iyo Beesha Caalamka ugu baaqay inay ka dhii-dhiyaan falkii shalay Warna kasoo saaraan.

Halkan ka Akhriso:

Related posts

Warbaahinta Somaliland Oo Ka Soo Hor-jeesatay Go,aan Ka Soo Baxay Wasaaradda Warfaafinta.

Heemaall

Iiraan Oo Ogolaatay In Ay Magdhow Siiso Ehelada Dayaaradii Ukrain

Heemaal

Xi Jinping: Waa In Dadaal Wadajir Ah Lagu Qaado Horumarinta Soomaliya

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More