Heemaal News Network
Soomaaliya

Midawga Yurub Iyo Maamulada Hirshabeele Iyo Koofur Galbeed Oo Ku Shirsan Baydhabo

Shir u dhexeeya madaxda Maamulka koofur Galbeed iyo maamulka Hirshabelle ayaa maanta lagu wadaa inuu ka furmo magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Shirkaan oo ay ka qeyb-geli doonaan Madaxweynayaasha labada Maamul iyo mas’uuliyiin kale ayaa waxaa soo qaban qaabiyey Wasaaradda Qosheynta Koonfur Galbeed & Midowga Yurub.

Shirka ayaa waxaa looga hadli doonaa horumarinta Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed,isla markaana Shirka ay kaalin weyn ka qaadan doonaan Safiiro ka socda wadamada Midowga Yurub.

Ammaanka magaalada baydhabo ayaa saakay aad loo adkeeyay, ayadoona wadooyinka la dhigay ciidamo aad u fara badan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More