Heemaal News Network
Caalamka

Midawga Yurub Oo Cunaqabayntii Maraykanka Iska Indho-tiray Iran-na Caawimo U Diraya

Midowga Yurub ayaa dalka Iran u diriya $ 21milyan oo Euro oo gargaar bini’aadannimo ah , waqti ay Iran saaran tahay cunaqabateyntii Mareynkanku saaray.
Gargaarkan ayaa loogu talo galay in uu Iran ka caawiyo wax ka qabshada xanuunka coronavirus, sidoo kale waxay taageeri doontaa codsiyada Tehraan ay ka dalbatay hayada lacagta aduunka ee IMF in qiil loo helo, ayuu yiri diblomaasi sare ee EU-da.

Madaxa arrimaha siyaasada ee EU-da Josep Borrell ayaa ku yidhi warkan fiidiyowga ah ee uu arintan ku sheegay “Ma awoodno in aan bixinno kaalmo bini’aadannimo oo badan laakiin waxaa jira ilaa 20 milyan oo euro oo naga diyaar ah oo aan u gaarsiinayno Tehran todobaadyada oo socda”

“Waxaan sidoo kale oggolaanay inaan taageerno dalabka Iran iyo sidoo kale Venezuela ay Hayada Lacagta Adduunka ee IMF kafa dalbadeen lacag taageero maaliyadeed ah” ayuu yiri ka dib shir ay yeesheen wasiirrada arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, inkasta oo uusan bixin faahfaahin dheeraad ah
Iiraan ayaa waxa caabuqan kaga dhintay 1,800 qof waqti ay diiwaangalisay in ay jiraan 23,049 oo kiis ah.
Si kastaba ha aahaatee labadan dale e Iran iyo Venexuela ayaa waxa saaran cunaqabayn uu maraykanku ku soo rogay, taas oo midawga Yurub uu diyaar u yahay in uu qaato cawaaqibka ka dhalan kara jabinteeda,

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More