Heemaal News Network

Midawga Yurub Oo ka Horyimid Qisaastii Dilka ay Hayd Ee ay Somaliland Fulisay.

Ururka Midowga Yurub ayaa kasoo horjeestay qaabka loo maray lix ruux oo dhawaan lagu toogtay Magaalada Hargeysa ka dib markii Maxkamaddaha ku yaalla degaanada Somaliland ay ku rideen xukuno dil ah.

Midowga Yurub ayaa sheegey in aad uga xumaadeen lix qof oo dhawaan lagu qisaasay Somaliland ayna kasoo horjeeddaan qaabka loo maray ciqaabta dadkaasi.

Ururka waxaa uu sheegay in aan lasoo bandhigin cadeymo muujinaya dambiyada ay galeen, taasna ay tahay mid ay aad uga naxeen.

“Midowga Yurub wuxuu leeyahay mowqif mabda ‘ah oo ka dhan ah ciqaabta dilka waxayna ka soo horjeedaan adeegsiga ciqaabta dilka xaalad kasta ha noqotee” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Ururka.

Magacyada ragga ay Somaliand toogashada ku fulisay iyo deegaanada ay ka soo kala jeedaan ayaa ah sidan.

1-Farxaan Maxamed Xasan (Buuhoodle )

2- Cabdillaahi Ismaaciil Xayd (Burco)

3- Axmed Ibraahin Faarax (Burco)

4-Khadar Aleel Xirsi (Gabiley)

5- Xasan Muxumed Cismaan (Hargeysa)

6- Caydaruus Khadar Haybe (Hargeysa)

Related posts

Guddoomiyaha Aqalka Sare Iyo Xubno kale Oo Gaaray Garoowe.

Heemaall

Somaliland Oo Shaacisay Shirkada ku Guulaysatay Keenista Qalabka Lagu Baaro Macdanta.

Heemaall

Daawo Sida Booliska Maraykanku U Galeen Qoyskii Ay Ka Dileen Wiilka Soomaliyeed

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More