Heemaal News Network

Midowga Afrika Oo ku Baaqay in la Joojiyo Dagaalka Gobolka Tigray

Midowga Afrika ayaa ku baaqay in xabad joojin looga dhawaaqo gobolka Tigray halkaas oo ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka ku dagaallamayay muddo ku dhaw toddobaad.

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamayo Itoobiya in wadahadal lagu soo afjaro colaadda.

Wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu diyaar yahay dadaallo kasta oo lagu xallinayo khilaafka.

Warbaahinta dowladda Itoobiya waxay ku warrantay in ciidamada federaalka ay qabsadeen garoonka diyaaradaha ee ku yaalla magaalada waqooyiga dhacda ee Humera iyo sidoo kale waddada aada dhinac xadka Suudaan.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed wuxuu sheegay in howgalka militeri uu usii socon doono qaabkii loo qorsheeyey tan iyo inta hub ka dhigis looga sameynayo dagaalyahanada daacadda u ah TPLF.

Related posts

Qarax Ismiidaamin ah Oo Lagu Dilay Dad Badan Oo ka Dhacay Suuriya.

Heemaall

Suldaan Shaaciyay Inuu U Sharaxanyahay Golaha Deegaanka Hargeysa

Heemaall

Xisbiga Wadani Oo Eedeymo Culus U Jeediyay Wasarada Ciyaaraha Somaliland.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More