Heemaal News Network
somali

Midowga Afrika Oo Talaabo ka Qaaday Milateriga Afgembiyey Dowladii Sudan.

Midowga Afrika ayaa ka saarey dalka Sudan xubinnimadii iyo dhammaan hawlaha ururkan, illaa iyo inta la soo celinayo dowlad kumeel gaar ah oo heysata sharciyad buuxda, oo uu dalkaasi yeesho.

Qoraal ka soo baxay midowga Afrika ayaa waxaa lagu tilmaamey afgambigii dhacey Isniintii mid aan waafaqsaneyn dastuurka.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Antony Blinken, ayaa kula hadley taleefanka ra’iisal wasarihii xilka laga tuurey, kadib markii uu gurigiisa dib uggu noqdey.

Abdalla Hamdok, ayaa la xirey intii uu socdey afgambiga. Mr Blinken, ayaa mar kale ku booriyey ciidamada qalabka sida ee dalka Sudan, iney sii daayaan hoggaamiyeyaasha rayidka ee u xiran.

Ururada ganacsiga, oo matalaya dhakhaatiirta iyo shaqaalaha shirkadaha shidaalka, ayaa sheegay sidoo kale iney ku biirayaan dibad baxyada.

Mudaaharaadyo loogga soo horjeedo la wareegista ciidanka military-ga talada dalka Sudan, ayaa ka socda maalintii saddexaad magaalada caasimadda Khartoum.

Related posts

17 Masiixiyiin Mareykan ah Oo Lagu Afduubtay Dalka Haiti.

Heemaall

War-baahinta Hargaysa Oo ka Cawday Golaha Wakiilada Cusub Markii loo Diiday Inay Galaan

Heemaall

Shiinaha Oo Madaxda G7 Ee ku Shirsan London U Digay.

Heemaall