Heemaal News Network
somali

Midowga Afrika Oo War Adag kasoo Saaray Weerarka Isra’il ku Qaaday Masjidka Al Aqsa.

Waxaa sii kordhaya wadamada iyo Ururuda cambaareenaya weerarka gardarada ah ee maamulka Israa’il ku hayo shacabka reer Falastiin, waxaana sii kordhaya khasaaraha ka dhalanaya weerarada israa’il ka wado Gaza .

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa si kulu u cambaareeyay duqeymaha ay Israa’iil ka fulisay marinka Qaza iyo ‘weerarka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen Masjidka Barakeesan ee Al Aqsa.

Waxa uu sheegay Muusa Faki Mahamat in howlagallada ciidamada maamulka Israa’iil iyo in dadka Falastiiniyiinta si qasab ah looga raro guryahooda ay kasoo horjeeddo xeerarka caalamiga ayna tahay xadgudub cad.

“Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ayaa cambaareynayaa duqeymaha laga geystay marinka Qaza oo ay ku dhinteen in ka badan 21 qof oo Falastiini ah iyo weerarka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen dadkii ku cibaadeysanayay masaajidka Al Aqsa oo ay ku dhaawacmeen dad gaarayo 300 xilliga bisha Ramadaan” ayaa lagu sheegay bayaan kasoo baxay Midowga Afrika.

Xiisada u dhaxeesa Kooxda Xamaas iyo ciidamada maamulka Isra’il ayaa sii xoogeesanaya , waxaana ciidamada Isra’il duqeymaha ay fulinayaan ku geeriyooday in ka badan 30-qof shacab Falastiiniyiin ah ay ku jiraan caruur.

Related posts

Xisbiyadda Mucaaradka Soomalilaind Oo Heshiis Isbaahaysi Saxeexday

Heemaal

Somaliland Oo si Adag Uga Jawaabtay War kasoo Yeeray Maamulka Puntland.

Heemaall

M/Deni Oo Xafiiskiisa Garoowe ku Qaabilay Wakiilo ka Socday Beesha Caalamka.(Sawirro)

Heemaall