Heemaal News Network
somali

Midowga Musharaxiinta Oo Kahor Yimid Habraacii Doorashada Ee Laga soo Saaray Shirka Muqdisho.

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa si adag uga hor yimid habraacii doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ee shalay ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka .

Qoraal kasoo baxay musharaxiinta ayaa lagu sheegay in habraacan ay soo saareen uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 May oo dhigayay in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad oo xor iyo xalaal ah.

Golaha Midowga musharaxiinta ayaa dalbaday in 135 Odayaasha dhaqanka ay saldhig u noqdaan soo xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaannada.

Related posts

Madaxda Galbeedka Africa Oo ka Shiraya Xaalada Maali.

Heemaall

Sawaxan ka Taagan Goobta Lagaga Dhawaaqayo Codadka Gobolka Hargaysa.

Heemaall

Xisbiyadda Mucaaradka Soomalilaind Oo Heshiis Isbaahaysi Saxeexday

Heemaal