Heemaal News Network

Midowga Musharaxiinta Oo Socod ku Tagay Taalada Daljika Dahsoon Ee Berri Uu ka Dhacayo Banaan-bax.

Xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta ayaa galabta socod ku tagay taalada dajirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho oo lagu wado inuu beri ka dhaco mudaaharaad looga soo horjeedo dowlada.

Musharaxiintan oo ay ka mid ahaayeen Xasan Shiikh, Shiikh Shariif, Xasan Cali Khayre, C/raxmaan C/Shakuur iyo xubno kale ayaa socodkooda ka bilaabay Hotelka Naasa Hablood 2 oo kaabiga ku haya taalada dajirka dahsoon.

Ciidamo fara badan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa ilaalo xoogan ka hayey socodka musharaxiiinta, kuwaasoo la arkayey iyagoo garab socda ilaa ay ka gaareen taalada dajirka Dahsoon, waxaa sidoo kale socodkaas ka qeyb galay dadweyne aan sidaa u badneyn.

Inta ay Musharaxiinta ku gudo jireen kormeerkan ayaa waxa warbaahinta la hadlaya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Mucaaradka, wuxuuna sheegay in maalinta berri ay tahay maalin taariikhiya oo shacabka ku cabirayaan dareenkooda.

Waxa uu carabka ku adkeeyay in banaanbaxa Jimcaha uu yahay mid nabdoon oo lagu dalbanayo doorasho wada-ogol, islamarkaana ay tahay in ciidamada amaanka ayna carqaladeyn, oo aysan u arkin qal-qal gelin amni, sida uu sheegay.

Si kastaba ha noqotee, kormeerkan deg-deg ah ayaa imanaya xili ay dhawaan Musharaxiint Mucaaradka ay iclaamiyeen banaanbaxaas, waxaana qaban-qaabadiisa si weyn looga dareemaya magaalada Muqdisho, ayada oo Musharaxiinta dadka ka dalbanayay inay isku soo baxaan.

Related posts

Shirkii Madaxda Dawlada iyo Maamul-gobolleedyada Oo Dib U Dhacay.

Heemaall

Farmaajo Oo Jabuuti Uga Qayb-galaya Shirka Igad Ee Looga Hadlayo Khilaafka Kenya Iyo Somaliya

Heemaall

Mid ka mid ah Musharaxiinta Mucaaradka ah Oo War kasoo Saaray Qodobadii kasoo Baxay Shirkii IGAD

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More