Heemaal News Network

Midowga Musharaxiinta Oo Warqad la Xiriirta Muranka Dorashada U Diray Beesha Caalamka

Xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa ay qoraal la xiriira muranka ka taagan arrimaah doorashooyinka Soomaaliya waxaa ay u direen Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Qoraalka oo ku qoran luuqada English-ka ayaa waxaa ay ku sheegeen in xalka uu noqon karo in doorashooyinka lagu qabto hal Magaalo, sidoo kalena arrinta kuraasta soomaliland loo madax bannaaneeyo guddoomiyaha golaha Aqalka Sare cabdi Xaashi Cabdillaahi.

Sidoo kale Xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay sheegeen inay diyaariyeen Liiska xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga doorashada ee lagu muransan yahay maadaama dowladda ay dhowr jeer sheegtay iny u soo gudbiyaan.

Xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Muqdisho ku lahaa kulamo isdaba-joog ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii Xukuumadda Soomaaliya ay ku dhawaaqday in la bilaabayo doorashooyin, isla markaana intaan ka badan aan waqtiga laga lumineyn Shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Isku-dhacyo Dhexmaray Kooxaha Xagjiriinta Maraykanka Ee Proud Boys iyo Antifa

Heemaall

Golaha Wakiilada Somaliland Oo La Hor-geeyay Xeerka Liisamada Ganacsiga.

Heemaall

Faarax Macalin: Siyaasadii Soomaliya Farmaajaa Badalay, Waana Fusrasd Wayn Oo Soomali Heshay

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More