Heemaal News Network
somali

Midowga Musharixiinta Iyo Wakiilada Beesha Caalamka Oo Kulan Uga Socda Muqdisho.

Xubno ka tirsan Midowga Musharixiinta Madaxweynaha iyo Waakiilada beesha caalamka ayaa waxaa xilligaan u socda Shir dhinaca Internetka ee Aalada (Zoomka).

Kulanka ayaa waxaa ay uga hadlayaan xaaladihii ugu dambeeyay, gaar ahaan dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo dhexmaray Ciidamada dowladda iyo kuwo Millateri ah oo sheegay inay kasoo horjeedaan muddo kororsiga.

Safiirada beesha caalamka ayaa wada dedaalo ay ku joojinayaan dagaalada Muqdisho, iyadoo aysan wali jirin wax wadahadal uu u socda dhinacyada dagaalamay.

Xaalada Magaalada Muqdisho ayaa haatan ah mid degan, walow markasta la filan karo dagaal maadaama dhinacyadii dagaalamay ay weli ku wada sugan yihiin Magaalada Muqdisho.

Related posts

Midowga Musharaxiinta Oo ka Hadlay Go’aankii Looga Noqday Mudo Kordhinta.(Akhriso)

Heemaall

Puntland: Ciidamo Gadooday Oo Baneeyay Furimo Dagaal

Heemaall

Shirka Golaha Wasiirada Jubbaland Oo Looga Hadlay Guusha Doorashadii Madaxwayne Xasan.

Heemaall