Heemaal News Network

Midowga Musharixiinta Oo ku Hanjabay Inay sii Wadi-doonaan Dibadbaxyada Muqdisho.

War Qoraal ah oo ka soo baxay Midowga Musharixiinta Mucaaradka ayeey ku sheegeen in aysan joojin doonin dibadbaxyada ka dhanka dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal ayeey ku sheegeen in ay siweyn u cambaareynayaa gaboodfalka sida ay hadalka u dhiggeen dowladda waqtigeedu dhamaaday ku weerarreen musharixiinta xilka madaxweynaha iyo dad shacab ah oo bannaanbaxayay.

“Waxaan horrey u aaminsaneyn haddana noo caddaaday in Madaxweyne hore Farmaajo uusan nabad iyo xasillooni u rabin dalka, daacadna ka aheyn inuu galo doorasho loo siman yahay, waxay maaweelayaashiisa siyaasadeed iyo hawadiisa beenta ah tustay in awoodda dalka xoog ku heysan karo sharci darrana ku sii joogi karo”

Related posts

Shaqaalaha Heemaal Oo Tacsi U Dirayaan Qoyskii Uu Ka Baxay Cabdirasaaq Cismaan Raydal

Heemaal

Murashixiintii ku Shirsanaa Nairobi Oo soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Heemaall

Guddoomiyihii Gobolka Gedo Oo Xilkii Laga Qaaday & Mid Cusub-na la Magacaabay

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More