Heemaal News Network
somali

Midowga Musharixiinta Oo Shaki Muujiyay Dhex-dhexaadnimada RW Rooble Ee Doorashada.

Xubnaha Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ayaa waxaa ay shaki geliyeen in uu dhex-dhexaad ka yahay arrimaha doorashada Soomaaliya, iyaga oo ugu baaqay in uu muujiyo kalsooni iyo madax banaani.

Qoraal kasoo baxay Midowga Musharixiinta oo loo diray dhinacyada Soomaalida & Wakiilada Beesha Caalamka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhex-dhexaad noqon waayo howlaha doorashada, isla markaana uu u nuglaado cadaadis uga imaanayo dibadda.

Sidoo kale Midowga Musharixiinta waxaa ay ugu baaqeen Ra’iisul Wasaaraha in uu joojiyo safarada dibadda, sidoo kalena uu muujiyo madax bannaani, isla markaana uu bilabo howlaha doorashooyinka ee loo igmaday.

Related posts

Mudahraad Maanta ka Dhacay Magaalo Xuduuddeedka Tog-wajaale.

Heemaall

Farmaajo Oo La Kulmay Wafti Ergo Ah Oo Ka Socda Qatar

Heemaal

Taliye ku-xigeenkii Booliska G/Banaadir Oo U Dhintay Dhaawaca Qaraxii Saldhiga Wabari kasoo Gaaray

Heemaall