Heemaal News Network

Midowga Musharixiinta Oo War kasoo Saaray Ciidamo la Duldhigay Aagaga ay ka Deggan Yihiin Muqdisho

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaailya oo aad u hubeysan ayaa lagu arkay qeybo ka mid ah xaafaddaha iyo Aagaga ay deggan yihiin midowga musharixiinta iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee ka soo horjeeda hannaanka ay dowladdu u maamuleyso doorashada.

Ciidamadan ayaa lagu arkayaa qeybo ka mid ah qeybo ka mid ah degmada Wadajr iyo xaafadda Buula-xuubey sida Laami yaraha Zoobe, Isgoyska Ceel Qalaw, Macruuf, agagaarka Somalia Airline, dhamaanba waddooyinka soo galla xaafaddahan oo ah meelaha ay sida weyn ugu xooggan yihiin xubnaha mucaaradka ah.

Dhinaca kale War ka soo baxay midowga musharixiinta ayaa tallaabadan ay qaaday dowladda ku tilmaamay daan-daansi dagaal, waxaana ay sheegeen in madaxweyne Farmaajo qaadanayo mas’uuliyada cawaaqibka ka dhaqan kara dhaqdhaqaaqyada militari ee socda.

Halkan ka Akhriso:

Related posts

Borama:-Ramaax Oo Weeraray Xukuumada Biixi Saluugay-na Waqtiga Diwaangalinta loo Qoondeeyay

Heemaall

Farmaajo Oo Kulan Xasaasi ah la Yeeshay Sadex kamid ah Madaxda Maamul-goboleedyada.

Heemaall

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Qiray Dhibka ka jira Degmada Xuddur.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More