Heemaal News Network
somali

Midowga Yurub iyo Mareykanka Oo Eedeymo U jeediyey Ciidamada Itoobiya

Midowga Yurub iyo Mareykanka ayaa cambaareeyay duqeyo ciidamada Itoobiya ka gaysteen gobolka Tigray taasoo sababtay waxyeelo badan oo soo gaartay dad shacab ah.

Midowga Yurub ayaa dhacdadani ku tilmaamay mid welwelkeeda leh iyagoo sheegay in ‘si ula kac’ ah rayidka loo bartilmaameedsaday.

Miltaraiga Itoobiya ayaa beeniyaay in rayid la beegsaday, balse xaqiijiyay inay jireen duqeymo.

Mareykanka ayaa ku baaqay baaritaan deg deg ah oo madax banaan, iyagoo intaas ku daray duqeynta lagu beegsaday suuqa ay qeyb ka tahay tacadiyadda aadanaha ka dhanka ah ee ka socda Tigray.

Tobanaan qof ayaa lagu soo warramayaa inay dhinteen ama dhaawaceen ka dib markii ciidamada cirka ee Itoobiya ay duqeeyeen suuq ku yaal gobolka waqooyiga ee Tigray.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay BBC-da in ciidamada cirka ee Itoobiya ay Talaadadii duqeeyeen magaalada Togoga, oo 25 km u jirta magaalo madaxda gobolka ee Mekelle halkaasoo ay gacanta ku hayaan xoogaga TPLF.

Related posts

Itoobiya Oo ka Hadashay Baahida Ay Uqabto Isticmaalka Dekadda Berbera.(Sawirro)

Heemaall

Hadal Heyn ka Dhalatay Xaliimo Ciise Oo Mar-qura Dhashay 9-caruur(Sawiro)

Heemaall

Wasiir Bayle: Waxaa Naga Go’an Horumarinta Wax Soo Saarka Fikradaha Cusub

Heemaal