Midowga Yurub Oo Cunaqabateyn kusoo Ragay Dawlada Belarus

Cunaqabateyn uu Midowga Yurub kusoo rogay Dowladda Belarus ayaa lagu wadaa in ay dhaqan gasho maanta oo Jimca ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay ururka.

Cunaqabateynta ayaa bartilmaameedsaneysa ilaa 40 sarkaal oo ka tirsan dowladda Belarus, balse kuma jiro madaxweyne Alexander Lukashenko, kaasoo ku adkeysanaya in uu yahay madaxweynaha sharciga ah kaddib marki ay mucaaradka ku eedeeyeen inuu ku shubtay doorashadi bishii August.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale uga digay dowladda Turkiga inuu saari doono cunaqabateyn la mid ah tan Belarus, haddii uusan Turkiga ka laaban sahminta gaaska ee badda lagu muransanyahay ee u dhaxeysa Turkiga iyo Gariiga.

Midowga Yurub ayaa sidoo kale dalalka Azarbaijan iyo Armenia ugu baaqay in ay si deg deg ah u joojiyaan dagalka, isla markaana ay wada yimaadaan miiska wadahalka.
VOA

Related posts

Zidan Oo Ku Goodiyey In Cinqaab Intan Ka Badan Marsiin Karayey Bacelona

Heemaal

Yahuudda Masar Oo Laga Mamnuucay Dabbaaldegyada Munaasibadaha Diiniga.

Heemaall

Xus Loogu Ducaynayay Dadkii Lagu Xasuuqay Qaraxii Zoobe Oo Lagu Qabtay Muqdisho.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Privacy & Cookies Policy