Midowga Yurub Oo ku Hanjabay Inuu Tallaabo ay ka Qaadi Doono Dalka Hungary.

Baarlamaanka Midowga Yurub ayaa u codeeyay qaraar tallaabo looga qaadaya dalka Hungary kaddib markii lagu eedeeyay dalkan inuu baal maray mid kamid ah mabaadii’da u yaalla dalalka Midowga Yurub.

Dowladda uu hoggaamiya ra’’iisul wasaare Viktor Orban ayaa lagu eedeeyay inay weerar ku haysa warbaahinta iyo dadka laga tira badan yahay.

Sidoo kale Hungary ayaa loo haystaa inay ku tumatay sharciga.

Dalalka Midowga Yurub ayaa sidoo kale isku raacay in tallaabo waafaqsan sharciga laga qaadi doono hoggaamiyeyaasha dalkaasi.

Ra’iisul wasaaraha Hungary ayaa beeniyay eedeymaha loo jeediyay islamarkaasna ku tilmaamay fadeexad ka dhan ah dalkiisa.

© Heemaal News Netwok