Heemaal News Network
somali

Midowga Yurub Oo Qorshaynaya Inuu Dacwad ku Oogo Shirkadda AstraZeneca.

Midowga Yurub ayaa qorsheynaya inuu dacwad ku soo oogo shirkadda dawooyinka sameysa ee AstraZeneca, ka dib markii muddooyinkii ugu dambeeyey ay dhibaatooyin xagga caafimaadka ah kala kulmeen dadyow badan oo qaatay tallaalka COVID-19 ee shirkadaasi ay soo saartay.

Wadamo badan oo Yurub iyo caalamka kale ah ayaa hadda joojiyey isitcmaalka Tallaalkan ka dib markii dadka qaar uu dhiigooda xunjiroobay, halka qaarna kalena la sheegay inay u dhinteen.

AstraZeneca ayaa sidoo lagu haystaa inaysan ixtiraamin qandaraasyo ay la gashay Midowga Yurub, ayna la habsaantay shixnado talaal ah oo laga sugayey.

Soomaaliya, waxaa ay ka mid tahay dalalka Tallaalkan uu gaaray isla markaana ay dad badan qaateen, mase jirto warar sheegaya in in lagala kulmay dhibaatooyin caafimaad darro.

Related posts

Wasaarada Shaqo Galinta Oo Deeq Raashina U Qaybisay Dadka Naafada Borama

Heemaall

Farmaajo Oo Maanta la Ciiday Cutubyo ka Tirsan Ciidanka Qaranka Somaliya.(Sawirro)

Heemaall

Amiirka Qatar Oo ka Hadlay Kaalintii Uu ka Qaatay soo Celinta Xiriirka Somaliya Iyo Kenya

Heemaall