Heemaal News Network

Miisaaniyada Ciidamada Oo Maanta Laga Shiray.(Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Soomaaliya, Wasiirka Gaashaandhiga iyo taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed iyo masuuliyiin kale.

Kulankan ayaana looga hadlayay Miisaaniyadda ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo sidii loo horumarin lahaa, waxa ayna Wasiirada iyo taliyaasha iska warsadeen sidii loo kordhin lahaa miisaaniyadda ciidamada lagu bixiyo.

“Kulan muhiim ah oo miro dhalay ayaan maanta la yeeshay Madaxda Wasaaradda Gaashaan dhigga iyo Taliska guud ee Ciidanka Xoogga Dalka, waxaana ka wada hadalnay Miisaaniyadda ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa, muhiimdeena 1aad waa in aan taageernaa ciidamadeena geesiyada ah ee u taagan har iyo habeen difaaca Dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed.” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Beyle.

Xukuumada Soomaaliya ayaa wax badan ka bedeshay miisaaniyada ciidanka Xooga Soomaaliyeed, waxa ayna dowlada ka shaqeesay sidii ciidamada u heli lahaayeen mushaar joogta ah iyadoona ciidamada loo sameeyay diiwaan gelin.

Related posts

Faarax Macalin:-“Madaxwayne Geele Marabo In Somaliya Ay Sharafteedii Dib Ula Soo Noqoto”

Heemaall

Kenya Oo Somaliya Ugu Baaqday Wadahadal.

Heemaall

Dagaal Khaaaro Dhaliyay Oo Dhaxmaray Ciidamada Sudan iyo Itoobiya

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More