Heemaal News Network

Mike Pence Oo Diiday In Uu Xilka Kala Wareego Trump

Aqalka Wakiilada ee Koongareeska Mareykanka ayaa xalay u codeeyay in laga codsado madaxweyne ku xigeenka Mike Pence inuu xilka ka qaado Donald Trump iyadoo la adeegsanaayo xeerka wax ka badalka 25aad.
Intii ay arrintu ka doodayeen Aqalka Wakiillada, Madaxweyne ku-xigeenka Mike Pence wuxuu si aad ah u caddeeyay inuusan doonaynin inuu sameeyo sida ay Dimuqraadiyiintu rabaan, oo uu adeegsado Qodobka 25aad ee wax ka beddelka si uu meesha uga saaro Trump.

– Ma aaminsani in falka noocan oo kale ah ay dan ugu jirto qarankeena, mana aaminsani inay waafaqsan tahay dastuurka, madaxweyne ku xigeenka ayaa sidaa ku yidhi warqad uu u qoray hogaamiyaha aqalka wakiilada, Nancy Pelosi.

Dimuqraadiyiintu waxay ku dhawaaqeen inay u codeyn doonaan in Trump laga xayuubiyo xilka hadii Pence uusan wax talaabo ah ka qaadin 24 saac gudahood, waxayna sidaas loogu sii soconayaa codeyntii golaha wakiilada.

Related posts

Somaliland Oo Xayiraadii ka Qaadday Universal Tv.

Heemaall

Xildhibaan Alexandria: Booliska Iyo Xubnaha Jamhuurigaba Waan Ka Baqayey Maliintii Weerarka

Heemaal

Awdal: Shaqaalaha Talaalka Wasaarada Caafimaadka Oo Ka Guuxaya Gunooyin Mudo Ka Maqan.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More