Heemaal News Network

Milatariga Itoobiya Oo Shaaciyay Bilowga Ugaarsiga Saraakiishii TPLF Ee ka Dagaalamayay Tigrey.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Itoobiya Gen. Abebaw Tadesse ayaa Magaalada Mekelle kulan kula yeeshay saraakiisha sar sare ee ciidanka Itoobiya .

Sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhiga Itoobiya kulanka ayaa u jeeskiisu ahaa qaabkii loo qaban lahaa oo cadaalada loo keeni lahaa madaxda baxsadka ah ee TPLF.

Ciidanka Itoobiya waxay sheegeen in uu dhamaaday dagaalka balse iminka uu bilowday ugaarsiga xubinta TPLF gaar ahaan saraakiisha hogaamineysay.

Inkastoo ciidanka Itoobiya 28-kii bishii la soo dhaafay ee November la wareegeen magaalada Mekelle ee xarunta Tigray hadana wali ma dhamaan colaada gobalkaasi.

TPLF ayaa ka dagaalameysa dhulka keymaha iyo buuraha ah ee gobalka waxaana shaqaalaha gargaarka ay sheegayaan in xitaa nawaaxiga magaalada ay ka dhacaan dagaalo goos goos ah.

Related posts

Dawlada Somaliya Oo Shaacisay In Amniga Qaranka Lagu soo Duulay.

Heemaall

Mareykanka Oo Duqeyn ku Dilay Hoggaamiyayaal Sare Oo ka Tirsan Ururka Al-shabaab

Heemaall

Somalida ku Dhaqan Xaafada Islii Oo ka Cawday Tacadiga ay ku Hayaan Booliska Kenya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More