Heemaal News Network

Milatariga Itoobiya Oo Xoogaga Tigrey kala Wareegay Magaalooyin Hor Leh.

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa wali isku dayaya in ay la wareegaan magaalada Makelle ee caasimada gobolka Tigrey, waxa ayna ciidamada sheegeen in ay la wareegeen magaalooyin hor leh oo gacanta ugu jiray xoogaga tigrey.

Afhayeen u hadlay dowlada Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada federaalka saacadihii lasoo dhaafay dagaal kula wareegeen magaalada Wikro iyo magaalooyin kale oo ku yaala hareeraha caasimada Tigrey.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in ciidamada federaalka isku dayayaan sidii ay usoo afjari lahaayeen awooda xoogaga taabacn TPLF ee ka dagaalamaya magaalooyin kale ay ku jirto caasimada gobolka Tigrey.

Ciidamada Itoobiya ayaa qorsheenaya duulaan aad u xoogan in ay ku galaan caasimada gobolka Tigrey ee Makelle, waxa ayna ciidamada hareeraha magaaladaasi geeyeen taangiyo iyo madaafiic aad u culus.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku hanjabay in si deg deg ah loo soo afjari doono kooxda TPLF, waxa uuna sheegay in ciidamada qaadayaan howlgalkii ugu dambeeyay ay kula wareegayaan caasimada Tigrey.

Shacabka kunool magaalada Makelle oo gaaraya haaf malyuun ayaa loogu baaqay in guryahooda joogaan inta uu howlgalku socdo, waxa ayna shacabka ka cabsi qabaan in waxyeelo xoogan kasoo gaaro dagaalka hadii uu magaalada kusoo fido.

Related posts

Labbada Aqal Ee Marykanka Oo Laalay Codkii Veto Ee Trump Dul Dhigay Miisanyiyadda USA

Heemaal

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Madax Ka Socda Hayada WHO

Heemaall

Isimada Puntland Oo Baaq kasoo Saaray Muranka Doorashooyinka Somaliya.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More