Heemaal News Network

Milatariga Somaliya Oo Howlgal Qorsheesan ku Qabtay Ragii Dilay Saraakiishii Galmudug.

Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo howlgal qorsheesan ka fuliyay deegaan kuyaala gobolka Galgaduud ayaa gacanta kusoo dhigay labo nin oo kamid ahaa maleeshiyaad hubeesan oo dhawaan saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya dilay.

Labadan nin ee ciidamada soo qabteen ayaa kamid ahaa maleeshiyo beeleed weerar gaadmo ah oo ka dhacay inta u dhaxeysa Guriceel iyo Degmada Balambale ku dilay saraakiil katirsan milatariga Soomaaliya.

Sida aan wararka ku helnay ciidamada howlgalka fuliyay oo mudo baadi goob ugu jiray maleeshiyaadka ayaa adeegsaday gaadiidka dadweynaha, iyagoona tagay deegaan ay maleeshiyaadkan joogeen kuna soo qabteen labo nin halka kuwa kalana baxsadeen.

Saraakiisha ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in uu socon doono howlgalka lagu baadi goobayo dableydii saraakiisha dishay oo ku dhuumaaleesanaysa deegaano kuyaala gobolka Galgaduud.

Related posts

Qarax Khasaaro Xoogan Gaystay Oo ka Dhacay Goob Lagu soo Dhaweynayay R/W Rooble Ee Gaalkacayo.

Heemaall

Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Itoobiya Oo Dib loo Dhigay Mudo aan Cayinayn.

Heemaall

Shacabka Boosaaso Oo La Dhacay Talaabada Uu Farmaajo Ka Qaaday Kenya

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More