Heemaal News Network

Milateriga Itoobiya Oo Shaaciyay Inay Gacanta ku Dhigeen Mekelle.

Taliyaha guud ee ciidamada Itoobiya, Jeneraal Berhanu Jula, ayaa sheegay in ciidamadiisu “si buuxda gacanta ugu dhigeen” magaalo madaxda gobolka Tigray ee Mekelle.

Sheegashadiisan ayaan ilaa haatan cid madax bannaan oo xaqiijinaysaa jirin.

Dhanka kale, xoogagga Tigray ayaan iyaguna ilaa haatan dhinacooda fal celinin hadalkaa uu shaaciyey taliyuhu.

Mar sii horaysay ayaa hogaamiyaha xoogagga fallaagada ah ee gobolka Tigray ayaa sheegay in ciidamada dawladda Itoobiya bilaabeen guluf ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Mekelle ee caasimadda gobolkaas.

Hogaamiyaha xisbiga TPLF, Debretsion Gebremichael, ayaa fariin telefoon oo qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters ugu sheegay in Mekelle “duqayn culusi” ku socoto.

Related posts

Trump Oo Diiday Natiijada Doorashada Iyo Dabaal-dega Taagerayasha Biden Oo Socda.(Sawiro)

Heemaall

Meydka Haweeney si Arxan Daro ah Loogu Dulay Muqdisho Oo Saaka la Arkay.

Heemaall

Xeer ilalaliyaha Somaliya Oo soo Gabagabeeyay Dacwad loo Haysto Hay’adda Cilmi Baarista Sahan

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More