Heemaal News Network

Milkiilaha Astaan Cable TV Oo Xabsiga Hargaysa Laga Siidaayay.

Waxaa goor dhow xabsiga Magaaladda Hargeysa laga sii daayey Milkiilaha Astaan Cable TV Cabdi-manaan Yuusuf oo bilihii lasoo dhaafay ku xirnaa Somaliland.

Sii deynta Cabdi-manaan waxaa xaqiijiyey Cabdi-maalik Muuse Coldoon oo ah weriye ku sugan Somaliland.

“Waxaa hadda xabsiga laga sii daayay Cabdimanaan Maamulaha guud ee warbaahinta Astaan oo bishii hore maxkamad ku taalla hargeysa ku xukuntay 5 sanadood oo xarig ciqaabeed ah, ganaax lacageed iyo xayiraad lagu rogay warbaahintiisa” ayuu yiri C/maalik Coldoon.

Milkiilaha Astaan Cable TV Cabdi-manaan Yuusuf ayaan la ogeyn weli qaabka loo sii daayey, maadaama dhowaan shan sano lagu xukumay, Maamulka Somaliland-na weli kama hadlin.

Related posts

Taalibaan Oo Ka Digtay Damaca Ghani Ku Sii Fadhiyayo Kursiga Muddo Xileedkiisa

Heemaal

Maamulka Koonfur Galbeed Oo la Wareegay Guri Shariif Xasan Baydhabo Looga Dhisayay.

Heemaall

Ninkii Sobobta U Ahaa Joojintii Dagaalkii Qaboobaa Oo Geeryooday

Heemaal

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More