Milkiilaha Kooxda Leicester City Vichai Srivaddhanaprabha Oo La Xaqiijiyey In Uu Ku Haligmay Shil Diyaaradeed

Milkiilaha kooxda Leicester City Vichai Srivaddhanaprabha ayaa la xaqiijiyay inuu ka mid ahaa shan qof oo ku geeriyootay diyaaradii ku burburtay banaanka garoonka King Power Stadium.
Srivaddhanaprabha oo milkiile ka ahaa Leicester tan iyo 2010 ayaa saarnaa diyaarada xilli ay isku dayayeen inay ka tagaan garoonka King Power Stadium .

Waxa uu goob joog u ahaa kulankii ay Leicester City barbaraha 1-1 la gashay kooxda West Ham, waxaana ay isku dayayeen inay garoonka ka tagaan nusa saac ka dib markii ay ciyaarta soo dhamaatay.
Laakiin islamarkii ay diyaarada ka dulmartay saqafka kore ee garoonka, waxaa soo wajahday cilad waxaana ay ku dhacday dhulka.

Labo xubnood oo ka mid ah shaqaalaha Srivaddhanaprabha oo lagu kala magacaabo Nursara Suknamai iyo Kaveporn Punpare ayaa sidoo kale ku dhintay sida ay xaqiijiyeen boliiska Leicesteshire.
Duuliyihii diyaarada Eric Swaffer ayaa isna ku dhintay si la mid ah Izabela Roza oo iyadana diyaarada saarneyd.

Warbixin ay goordhow soo saartay kooxda ayaa lagu yiri: “Anigoo ka xun islamarkaana ka qalbi jabsan ayaan xaqiijineynaa in gudoomiyaheena Vichai Srivaddhanaprabha uu ka mid ahaa dadkii ku dhaf waayay diyaaradii ku burburtay banaanka King Power Stadium.

“Midkoona shanta qof ee diyaarada saarnaa ma aysan badbaadin.”

© Heemaal News Netwok