Heemaal News Network
Cayaaraha

Mo Faarax Oo Kaalinta 90aad Ka Galay Liiska Cayaartooyda Ugu Fiican Caalamka

Su’aasha adag ee ay khubarada ciyaaraha kala duwan ku mergadaan jawaabteed, ayaa ah: Waa kuma ciyaartoyga guud ahaan isboortiga ugu fiicnaa dunida?

Sababta ay su’aashani u adag tahay ayaa ah in ciyaaruhu ay sannado badan soo socdaan, kala duwanaanshaha waqtiga, noocyadooda, qiimaynta iyo aragtida cabbirkuba aanay isku meel ka taagnayn oo cid waliba dhinac ula kacayso xulashadeeda.

Qiimaynta waaqtiga iyo xogta gaarka ah ee ciyaartoy kasta laga diiwaangeliyey muddada uu fagaareyaasha ciyaareed ku jiray, waxa mid walba lala barbar-dhigi karaa oo kaliya ciyaaryahannada kale ee ay nooca isboorti iskaga mid yihiin, laakiin ciyaartoy feedhyahan ah iyo mid kubadda cagta ah amaba kubadda kolayga ah, way adkaanaysaa in isbarbar-dhig iyo qiimayn sugan oo xog ku salaysan isku meel lagu keeno amaba lagu kala sarraysiiyo.

Marka laga yimaaddo qarniyadii hore, bal ka warran haddii la qiimeeyo ciyaaryahannada ugu fiicnaa intii ka dambaysay sannadkii 2000?

Su’aashan jawaabteeda waxa qaatay wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain, waxaanu soo xulay 100kii ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa illaa waqtigaas oo kaliya ku kooban jinsiga Labka, taas oo meesha ka saaraysa in wax dumar ah ay kasoo muuqdaan halkan.

Laacibka dabbaasha looga dambeeyo ee Michael Phelps ayaa noqday ciyaartoygii ugu fiicnaa guud ahaan fagaareyaasha ciyaareed qarnigan 21aad, waxaana ku soo xiga oo kaalinta labaad soo galay Orodyahanka reer Jamaica ee Usain Bolt, iyadoo ay saddexaad, afraad iyo shanaad kala galeen Roger Federer oo Tenniska ciyaara, Rafael Nadal oo Tennis-ka ah iyo Kobe Bryant oo kubadda kolgayga ee NBA-da wacdaro ka dhigi jiray laakiin dhowaan shil diyaaradeed ku geeriyooday.

Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo ayaa ciyaartoyda kubadda cagta kasoo galay tobanka boos ee ugu sarreeya, waxaanay ku kala jiraan 7aad oo Lionel Messi ah iyo Cristiano Ronaldo oo 10aad soo galay.

Orodyahanka Soomaaliga ah ee Mo Farah oo waddanka Ingiriiska u arda ayaa wax Soomaali ah kasoo galay liiska 100ka ciyaartoy ee guud ahaan dunida ugu fiican qarnigan 21aad, waxaanu galay kaalinta 90aad.

Halkan ka akhriso 100ka ciyaartoy iyo nooca isboorti ee ay ciyaaraan:

100 | Luka Doncic | Basketball

99 | Kosuke Kitajima | Dabbaasha

98 | Wladimir Klitschko | Feedhka

97 | Seb Ogier | Rally Driving

96 | Brooks Koepka | Golf

95 | Mark Cavendish | Baratanka Baaskiilka

94 | Tony Parker | Basketball

93 | Luis Amado | Futsal

92 | Alessandro Falcao | Futsal

91 | Luka Modric | Football

90 | Mo Farah | Athletics

89 | Adam Peaty | Dabbaasha

88 | Stan Wawrinka | Tennis

87 | Dan Carter | Rugby

86 | Alex Honnold | Climbing

85 | Mikkel Hansen | Handball

84 | Manu Ginobili | Basketball

83 | Wayde van Niekerk | Athletics

82 | Tom Boonen | Baratanka Baaskiilka

81 | Rory McIlroy | Golf

80 | Tamas Kasas | Water Polo

79 | Jorge Lorenzo | MotoGP

78 | Caeleb Dressel | Dabbaasha

77 | Gennady Golovkin | Feedhka

76 | Pau Gasol | Basketball

75 | Lin Dan | Badminton

74 | Alex Rodriguez | Baseball

73 | Jiri Jezek | Paralympic Baratanka Baaskiilka

72 | Jamie Dwyer | Hockey

71 | Javier Gómez Noya | Triathlon

70 | Martin Fourcade | Biathlon

69 | Oscar Freire | Baratanka Baaskiilka

68 | Steph Curry | Basketball

67 | Iker Casillas | Football

66 | Ryan Lochte | Dabbaasha

65 | Ben Ainslie | Sailing

64 | Sidney Crosby | Ice Hockey

63 | Ashton Eaton | Athletics

62 | Yuzuru Hanyu | Figure Skating

61 | Toni Bou | Motorcross

60 | Peyton Manning | American Football

59 | Hermann Maier |Tartanka Barafka

58 | Gilberto Giba | Volleyball

57 | Peter Sagan | Baratanka Baaskiilka

56 | Phil Mickelson | Golf

55 | Kevin Durant | Basketball

54 | Pieter van den Hoogenband | Dabbaasha

53 | Richie McCaw | Rugby

52 | Xavi Hernandez | Football

51 | Andy Murray | Tennis

50 | Sebastian Loeb | Rally Car

49 | Conor McGregor | UFC

48 | Alejandro Valverde | Baratanka Baaskiilka

47 | Dirk Nowitzki | Basketball

46 | Fernando Alonso | Formula One

45 | David Rudisha | Athletics

44 | Fabian Cancellara | Baratanka Baaskiilka

43 | Barry Bonds | Baseball

42 | Daniel Dias | Adapted Dabbaasha

41 | Bradley Wiggins | Baratanka Baaskiilka

40 | Alistair Brownlee | Triathlon

39 | Stephane Peterhansel | Rally Car

38 | Ian Thorpe | Dabbaasha

37 | Andres Iniesta | Football

36 | Ricardinho | Futsal

35 | Vincenzo Nibali | Baratanka Baaskiilka

34 | Hicham El Guerrouj | Athletics

33 | Sebastien Vettel | Formula One

32 | Shaquille O’Neal | Basketball

31 | Kelly Slater | Surfing

30 | Floyd Mayweather | Feedhka

29 | Alberto Contador | Baratanka Baaskiilka

28 | Tim Duncan | Basketball

27 | Kenenisa Bekele | Athletics

26 | Teddy Riner | Judo

25 | Zinedine Zidane | Football

24 | Nikola Karabatic | Handball

23 | Kohei Uchimura | Artistic Gymnastics

22 | Ronaldinho | Football

21 | Marcel Hirscher |Tartanka Barafka

20 | Kilian Jornet | Mountain running

19 | Ronaldo | Football

18 | Tom Brady | American Football

17 | Chris Froome | Baratanka Baaskiilka

16 | Manny Pacquiao | Feedhka

15 | Lebron James | Basketball

14 | Eliud Kipchoge | Athletics

13 | Michael Schumacher | Formula One

12 | Marc Marquez | Baratanka Mootooyinka

11 | Novak Djokovic | Tennis

10 | Cristiano Ronaldo | Football

9 | Valentino Rossi | Baratanka Mootooyinka

8 | Lewis Hamilton | Formula One

7 | Lionel Messi | Football

6 | Tiger Woods | Golf

5 | Kobe Bryant | Basketball

4 | Rafael Nadal | Tennis

3 | Roger Federer | Tennis

2 | Usain Bolt | Athletics

1 | Michael Phelps | Dabbaasha

Xigash Laacib

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More