Heemaal News Network

Mooshin Laga Keenay Gudoonka Barlamaanka Puntland Iyo Amaanka Oo Aad loo Adkeeyay.

Ammaanka barlamaanka Puntland ayaa aad loo adkeeyay xilli uu tagan yahay khilaaf xoogan oo u dhexeeya guddoomiyaha barlamaanka, Cabdirashiid Maxamed iyo xildhibaano dhawaan ku eedeeyay inuu ku guul daraystay hoggaaminta golaha.

Khilaafka ayaa sii xoogaystay markii ay soo baxday xog ku saabsan in 28 xidhibaan ay mooshin xil ka qaadis ah ah ka keeneen guddoomiyaha barlamaanka, waxayna taas keentay in uu furmi waayo kalfadhigii barlamaanka.

Wararka kale oo aan helayno waxay sheegayaan in guddoomiyaha barlamaanka uu iskudayayo inuu xasaanada ka qaado 8 xubnood oo uu ku eedeeyay in ay masuul ka yihiin rabshadihii dhawaan barlamaanka ka dhacay.

Waxaa xarunta golaha lagu arkayaa ciidamo cusub iyo gaadiid dagaal oo ka madax bannaan dhinacyada is haya, kuwaas oo ku sugan gudaha iyo bannaanka xarunta barlamaanka, iyagoo loo keenay in ay sugaan amniga golaha.

Khilaafkan cusub ayaa kusoo aadaya, iyadoo muddo sanad ah laga joogo markii barlamaanku mooshin xilka uga qaaday guddoomiyihii hore ee barlamaanka Puntland, Cabdixakiin Dhoobo daareed.

Related posts

Amnesty Oo Shaacisay In Boqolaal Qof ;Lagu Xasuuqay Gobolka Tigrega, Iyo Wararkii Ugu Denbeyay.

Heemaall

Trump Oo Dhamaadka Mudo Xileedkiisa Cafis U Fidiyay Dad Farabadan.

Heemaall

Hayada UNHCR iyo Itoobiya Oo ka Wada Hadlay Badbaadinta Qaxootiga Tigrey.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More