Heemaal News Network
somali

Mucaaradka Somaliland Oo Cabasho Hor-dhigay Safiirka UK Ee Somaliya.(Sawirro)

Mucaaradka Somaliland ayaa ashrako ka dhan ah Maamulka Muuse Biixi hor dhigay Safiirka UK ee Soomaaliya oo maanta booqatay Hargeysa.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa Safiirka UK ee Soomaaliya Marwo Kate Foster, u gudbiyay cabasho ay ka qabaan Taliyaha Booliska Somaliland kaasoo ayku eedeeyeen inuu tacadi ku hayo musharraxiinta Xisbiyada Mucaaradka.

Waddani ayaa Safiirka u sheegay in Boolisku xirayaan Musharraxiin ay ansixiyeen Guddiga Doorashooyinka isla markaana haysta xasaanaddii sharcigu siiyay.

Hoggaanka Xisbiga Waddani ayaa safiirka u sheegay in aanay aqbali doonin sii socoshada xadhiga musharraxiinta Mucaaradka, ayna arrintaas ka dhalan doono cawaaqib xumo hadii aan laga joogsan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Ingriiska ee Soomaaliya amb. Kate Foster oo uu weliyo madaxa xafiiska Ingriiska ee Somaliland Stuart Brown.

Warsaxafadeed kasoo baxday kulanka ayaa lagu yidhi “Madaxweynaha Somaliland waxa uu safiirka xogwaraysi ka siiyay madaxbanaanida iyo dimuqraadiyada ka hana qaaday Somaliland, iyo in ay tusaale utahay dalal badan oo geeska Afrika ah.”

Related posts

Xisbiga Wadani Oo Mar kale Si Adag Uga Hadlay Murashax Laga Xiray.

Heemaall

Puntland Oo Shaacisay Inay Gacanta ku Dhigeen Saanad Milatari Oo ay Lahaayeen Alshabaab.

Heemaall

Madaxtooyada Somaliya Oo Sheegtay in Weerar Lagu yahay Dowladd-nimada

Heemaall