Heemaal News Network
Caalamka

RW Boris & Mucaaridka UK Oo Ku Baaqay Mudaharaado Ka-Dhan-Ah Cunsuriyada Trump

Raysal Wasaaraha UK Boris Johnson ayaa sheegay in Nolosha Dadka Madaw ay muhiim tahay, waxana uu taageeray xaqa ay dadku u leeyihiin inay banaan-baxyo sameeyeen, waxase uu daba dhigay in ay banaanbaxyadaasi ahaadaan kuwo sharci ah, dadkuna ay dhawraan hab-raaca kala fogaynta bulshada, waxana uu hadalkiisan ku soo beegmayaa waqti ay soo kordhayaan mudaharaadada ka dhashay  geeridii George Floyd oo ay booliska Maraykanku dileen.

“Dabcan nolosha dadka madaw waa muhiim, waxana aan fahmi karaa cadhada iyo quusta ay dareemayaan dadka ku dhaqan America iyo guud ahaan dunida dacaladeedu”

“Waan taageersanahay ayuu yidhi Raysal Wasaare Boris xaqa aasaasiga ah ee isku-soobaxyada. Balse qodobka kaliya ee aan rabo in la ogaado waxa uu yahay in qofkasta oo banaanbax samaynayaa waa in uu u hogaansamo sharciga, dadka dalkayga ee banaan baxa ka qayb qaadanayaana waa in ay u hogaansamaan mar kale habraacyadii kala fogaynta bulshada”

Hadalkan Raysal Wasaare Boris ayaa waxa uu ku soo beegmayaa waqti gudaha Uk ay Kooxaha ka soo horjeeda cunsuriyada ee “Nolosha DadkaMadow waa muhiim” ay qorshaynayaan isu soo bax ka dhaca bartamaha London iyo guud ahaan dalkaas, isku soobaxyadan oo astaantoodu ay tahay “ jilba joogsiga” si ay taageeradooda ugu biiriyaan dadka kale ee dunida ee ka mudaharaadaya geeridii George Floyd.

Kooxdan Black Lives Matter ee London ayaa ku dhiirrigaliyay mudaaharaadayaasha inay xidhaan dhar casaan ah kana qayb qaataan mudaharaad galab ah oo ka dhaca Hyde Park”

Kooxdan ka soo horjeeda Cunsuriyada ayaa waxa ay sidoo kale ku boorisay dadka kudhaqan wadanka ingiriiska in ay “jilibka dhulka dhigtaan iyaga oo jooga albaabka guryahooda, ama ay qabtaan calaamadaha … ay ku qoran yihiin “JusticeforGeorgeFloyd iyo BlackLivesMatter” saacadu marka ay tahay 6da fiidnimo ee UK.

Dhinaca Kale Hogaamiyaha Mucaaridka UK Jeremy Corbyn ayaa soo dhaweeyay mudaharaadadan ka dhanka cunsuriyada, waxana uu bartiisa tweeter soo dhigay qoraal uu ku dhiiri galinayo banaanbaxyadaas

“Guud ahaan dalka 6-da fiidnimo dadku waxay ka qayb qaadanayaan mudaharaadka ka dhanka ah cunsuriyada iyada oo ay astaantoodu tahay “Jilbo-joogsi, iyaga oo guryahooda hortooda joogana waxa ay kor u qaadi doonaan astaanta  mudaharaadka, waxana ay ku dhawaaqi doonaan BlackLivesMatter”

“Codka Malaayiinta qof ee ka soo horjeedda midab-takoorka iyo cunsuriyada waa la maqli doonaa” ayuu ku soo yidhi Jeremy Corbyn qoraalkiisa

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More