Heemaal News Network
somali

Mucaaridka Oo Ku Goodiyay Qaadacaada Doorashada

Madaxda midowga musharixiinta mucaaradka ayaa la kulmay xubno kamid ah guddiga doorashada heer Federaalka, waxayna la wadaageen walaacooda ku saabsan sida ay ku bilaabatay doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Kulankaan oo ka dhacay Muqdisho waxaa si weyn loogu gorfeeyey nooc doorasho oo boob ah oo mucaaradka u arkaan habka ay wax ku wadaan madaxda Maamul Goboleedyada.

Mucaaradka waxaa laga xirtay dhammaan albaabadii ay kasoo geli lahaayeen doorashada Golaha Shacabka, waxaana aad u yar xubnaha fursadda u heysta inay Xildhibaano soo saartaan.

Waxay guddiga doorashada gaarsiiyeen walaac iyo hanjabaad wada socda. Xubin sare oo kamid ah guddiga doorashada heer Federaal ayaa noo xaqiijiyey inay mucaaradku ku hanjabeen inay qaadici doonaan geediga doorashada, haddii aysan waxba iska badalin habka ay wax ku bilowdeen.

Dooda mucaaradka waxay u muuqataa mid maangal ah, laakiin cidda arrintaan wax ka qaban karta ma ahan guddiga doorashada ee heer Federaal oo aysan waxba gacanta ugu jirin hadda.

Doorashadaan socoto awoodda ugu badan waxaa ku leh madaxda maamulada, laakiin mucaaadka illaa hadda waxay ka dhuumanayaan inay madaxda maamulada toos u wajahaan, runta u sheegaan, dhaliilaan, u hanjabaan oo ay doodooda bannaanka la yimaadaan, kuna toosiyaan cidda canaanta leh.

Related posts

RW Rooble Iyo Madaxda Galmudug Iyo Hir-Shabeelle Oo Kulan la Yeeshay Safiirka Maraykanka.(Sawiro)

Heemaall

Fulkaane Ka Qarxay Dalka Kongo

Heemaal

Rooble Oo Caawa la Kulmay Taliyaasha Ciidamada iyo Gudoomiye Muudey Una Digay..(Sawiro)

Heemaall