Mudahaar Rabshado Wata Oo ay Dad ku Dinteen Oo Galabta ka Dhacay Muqdisho.

Wararka naga soo gaadhaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in galabta mudaraad rabshado wata oo looga soo horjeedo ciidamada AMISOM uu ka dhacay suuqa xoolaha ee magaalada muqdisho

Mudaharaadka ayaa bilowday kadib markii qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta lagula eegtay ciidamada AMISOM uuka dhacay xaafaddaasi Suuqa Xoolaha waxaana qaraxa kaddib dhacay rasaas ay fureen ciidamada howlgalka midowga Africa AMISOM waxaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen Labo ruux tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Intaasi kaddib ayaa dadweyne aad u careysan oo ka gadoodsan falkan ayaa waxa ay dhigeen banaanbax xoogan, waxayna is hor istaag ku sameeyeen ciidankii dowladda iyo kuwa AMISOM ee rabshada bilaabay.

Maamulka degmada Huriwaa iyo Waxgaradka degmada ayaa bilaabay wadahadal ay ku qancinayaan dadka deegaanka oo markii danbe waddooyinka isugu soo baxay.

Maalmo kahor ayay aheyd markii sidan oo kale gaari ciidan oo marayay xaafada Suuqa Xoolaha uu furay rasaas uu wadada ku furanayay, halkaasi waxaa ka dhashay khasaare kala duwan.

© Heemaal News Netwok