Heemaal News Network
somali

Mudaharaad ka Dhan ah M/Biixi Oo ka Dhacay Laascaanood.

Waxaa xalay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka dhacay banaan bax rabshado watay oo looga soo horjeeday maamulka Somaliland gaar ahaan Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi.

Shacabka magaalada oo u badnaa dhalinyaro ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Laascaanood, waxa ayna dibad baxayaasha ku dhawaaqayeen ereyo ka dhan ah maamulka Somaliland gaar ahaan Madaxweyne Biixi.

Banaan baxa ayaana markii dambe isku badalay mid rabshado watay oo dhagaxyo tuur ah, ciidamada booliiska Somaliland ayaana markii dambe rasaas u adeegsaday dadka banaan baxa ka dhigayay magaalada Laascaanood.

Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ayaa si weyn uga careesan falalka amni dara ee ka dhaca magaaladaasi gaar ahaan dilalka oo qaarkood ku lug leeyihiin ciidamada booliiska Somaliland.

Related posts

Muslimiinta Faransiiska Oo Laga Mamnuucay Mudaharaad Lagu Taageerayo Falastiin.

Heemaall

Xisbiyadda Mucaaradka Soomalilaind Oo Heshiis Isbaahaysi Saxeexday

Heemaal

Madaxwayne Cagjer Oo War kasoo Saaray soo Laba Kacleynta Dagaalka TPLF

Heemaall