Heemaal News Network
somali

Mudaharaad ka Dhan ah Yuhuuda oo ka Dhacay Turkiga.

Kumanaan qof ayaa waxay Dibadbaxyo ballaaran ka dhigeen agagaarka Dhismaha Safaaradda Yuhuudda ku leedahay caasimadda Turkiga ee Ankara iyo Qunsuliyadda ay ku leeyihiin Istanbul.

Dibadbaxyaasha waxay wateen Calanka Falastiin iyo Boorar ku qornaa Erayo lagu taageerayey Qaddiyada Reer Falastiin.

Waxay kaloo ku dhawaaqayeen hadalo ay ku cambaaraynayeen Yuhuudda iyo Maraykanka.

Dhinaca kale, Madaxweyne Erdogan waxa uu Khadka Telefoonka kula xiriiray Madax Carbeed, oo ay ka wada hadleen Tacadiyada ay Yuhuudda ka wadaan Masjidka Al-Aqsa ee magaalladda Quddus.

Erdogan Madaxda uu Caawa la hadlay waxay kala yihiin:

Boqorka dalka Urdun, Boqor Cabdalla Bin Xuseen, Amiirka Kuweyt,Sheekh Nawaat Al-Sxked Al-sabaax, Madaxweynaha Maamulka Falastiin, Maxamuud Cabaas Abu Maasim iyo Hoggaamiyaha Dhaqdhaqaaqa Islaamiga ee XAMAAS, Ismaaciil Haniyah.

Related posts

Mid ka Mid ah Wasiiradii Xilalka Shalay loo kala Bedelay Oo Is-casilay.

Heemaall

Mid kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada Oo Muqdisho soo Gaaray.(Sawirro)

Heemaall

Puntland Oo Xanibaadii ka Qaaday Lacagta Taleefoonada la Iskugu Diro.

Heemaall