Heemaal News Network

Mudaharaad Lagu Taageerayo Madaxweynaha loo Doortay Hirshabelle Oo ka Dhacay Jowhar.(Sawiro)

Banaanbax ballaaran oo lagu taageerayay doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub ee Hirshabelle ayaa maanta lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Isku soo baxaan oo ay ka qayb qaadanayeen qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ayaa lagu taageerayay Madaxweynaha cusub ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo Madaxweeyne ku-xigeenka cusub ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed) oo maalintii shalay ay doorteen Baarlamaanka 2aad ee Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Banaanbaxayaasha ayaa socod dheer ku soo maray xaafadaha kala duwan ee degmada Jowhar, kuwaasi oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ku taageerayaan Madaxweynaha Hirshabeelle iyo ku-xigeenkiisa.

Dadkan banaanbaxayay ayaa waxaa ugu dambeyntii ay isugu barxadda xarunta maamulka gobolka Sh/dhexe iyadoo ay la hadleen maamulka degmada Jowhar.

Isku soobaxan oo kale ayaa shalay ka dhacay magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe waxayna dadkii ka qeybgalay ay u hambalyeeyeen madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka cusub ee Hirshabelle.



Related posts

Twain Oo U soo Direysa Somaliland Gargaar iyo Koox Khuburo ah

Heemaall

Murashixiintii ku Shirsanaa Nairobi Oo soo Gaaray Magaalada Muqdisho.

Heemaall

Wasiirso ka Socday Dawlad Deegaanka Somalida Itoobiya Oo la Kulan la Qaatay Maamulka Awdal

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More