Heemaal News Network

Mudaharaad Xoogan Oo ka Socda Garowe.

Mudahaarad xoogan oo loogasoo horjeedo diidmada lacagta shilinka Soomaaliga iyo sicirka bararka ayaa saakay ka socda magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, waxaana gabi ahaanba albaabada loo xiray xarumaha ganacsiga.

Dadweynaha mudaharaadaya ayaa maamulka ku eedeeyay inuu masuul ka yahay dhibaatada culus ee Puntland ka jirta, iyagoo u sababeeyay go’aan uu dhawaan madaxweyne Deni ku joojiyay in canshuurta ilaha dakhliga lagu bixiyo shilin Soomaali.

Dadweynaha iskusoo baxay ayaa dalbanaya in maamulku wax ka qabto dhibaatada jirta islamarkaana uu dib uga laabto go’aamada mugdiga galinaya lacagta Soomaaliga ah.

Mudaharaadkan ayaa kusoo beegmaya kadib markii uu xalay dhaqan galay go’aan lagusoo rogay shirkaddaha bixiyaha adeega lacagaha moobaylada la iskugu diro, go’aankaas oo ah in aan la isku diri karin hal dollar iyo wixii ka yar.

Sicir bararka Puntland ka jira ayaa sii xoogaystay kadib markii ay uu mugdi gashay isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga, iyadoo Puntland ahayd meesha kaliya ee Soomaaliya aan waligeed laga diidin lacagta Shilinka Soomaaliga.

Related posts

War-Murtiyeed Laga soo Saaray Shirkii RW Rooble Iyo Musharaxiinta,(Akhriso)

Heemaall

War Laga soo Saartay Kulan Dhexmaray Musharixiinta Mucaaradka Iyo Beesha Caalamka.

Heemaall

Midawga Musharaxiinta Oo War Adag kasoo Saaray Rasaastii Lagu Riday Mudaharadayaasha.(Akhriso)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More