Heemaal News Network

Muddo Kordhin Hor Leh Oo loo sameeyey Ciidamada Japan Ee ka Howl-gala Biyaha Somalia.

Golaha wasiirada Japan ayaa muddo hal sano ku kordhiyey howl-galka ciidamada dalkaasi ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya.

Ciidamada Japan ee Howl-galka la dagaalanka burcad-badeeda ayaa loo ogolaaday in sanad kale ay sii joogaan biyaha Soomaaliya, si u sii wadaan dhaq-dhaqaaqyadooda.

Sidoo kale golaha wasiirada Japan ayaa ku boorriyey ciidamada Badda inay sii laba jibaaraan howl-galladooda, sida ay shaacisay wakaaladda wararka dalkaas ee NHK.

Ujeedkan howl-galkan ayaa ah sidii loo ilaalin lahaa maraakiibta isticmaasha biyaha caalamka ee aan heysan ilaalada, kuwaas oo halis u gala in ay gacanta u galaan burcad-badeeda.

Ciidamada Badda ee dowladda Japan oo isticmaalaya maraakiib iyo diyaarado dagaal ayaa howl-galkan soo bilaabay tan iyo sanadkii 2009-kii.

Si kastaba weerarada kooxaha burcadb-badeeda ayaa sanadihii u dambeeyey aad u yaraaday, inkasto weli ay cabsi ka taagan tahay marinka biyaha Soomaaliya.

Related posts

Trump Oo Diiday Natiijada Doorashada Iyo Dabaal-dega Taagerayasha Biden Oo Socda.(Sawiro)

Heemaall

Wariye Si Khaldan Uga Qayb Galay Shir Wasiiradda Difaaca Yurub Lahaayeen

Heemaal

Dirawalada Gaadiidka Tagaasida Oo Mudaharaad ka Dhigay Garoowe.(Sawiro)

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More