Heemaal News Network

Muddo Kordhin loo Sameeyay Ciidanka Kuuriyada Koonfureed ka Joogga Somaliya

Guddiga difaaca Kuuriyada Koonfureed ayaa ansixiyay waqti kordhinta unugyada milatariga Kuuriyada Koofureed ee Soomaaliya iyo Imaaraatka Carabta (UAE) ka dib kulan ay shalay ku yeesheen Caasimadda dalkaasi.

Gudiga baarlamaanka ee qaabilsan Difaaca ayaa Cod gacan taag ah ku ansixiyay codsigii dowlada ee ahaa in la kordhiyo howlgalka dibedda ee qeybta Cheonghae ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida iyo qeybta gaarka ah ee Akhak.

Ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa Soomaaliya kasii howlgalin gali doonna ee ilaa dhamaadka 2021 si ay qeyb uga noqdaan howlgalka la dagaalanka burcadbadeeda.

Kuuriyada Koonfureed ayaa xeebta Soomaaliya gaysay 300 oo xubnood oo ka tirsan kooxda Cheonghae tan iyo sanadkii 2009 taasoo qayb ka ah ka qayb qaadashada dadaallada caalamiga ah ee wax looga qabanayo burcad badeedda .

Cutubka Akh-ka oo ka kooban 150-koox ayaa waxay gacan ka geysanayeen tababarida ciidamo gaar ah oo ka socda Imaaraadka tan iyo sanadkii 2011.

Howlgalinta dibedda ayaa la cusbooneysiiyaa sanad walba iyada oo loo marayo ansixinta baarlamaanka. Kordhinta waa in lagu ansixiyaa kalfadhiyada Golaha Shacbiga.

Related posts

Dil Laga Argagaxay Oo ka Dhacay Galgaduud Iyo Ciidanka Ammaanka Oo soo Xiray Aabbihii Dhalay.

Heemaall

M/Biixi Oo Kormeeray Garoonka Ciyaaraha Hargeysa Kana Hadlay Rabshadihii Shalay Dhacay.(Sawiro)

Heemaall

Komishanka Oo Daahfuray Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Gobolka Awdal.

Heemaall

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More